Kenya oo duqeymo khasaare geystay ka fulisay gobolka Gedo

Published: June 15, 2022

Saacadihii lasoo dhaafay diyaaradaha dagaalka Kenya aya duqeymo ka fuliyeen deegaano hoostaga gobolka Gedo.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa laga soo warramayaa in ay ka dhacday deegaanada Ceel-Cadde iyo Buusaar halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi, mana jirto weli wax faah faahin ah oo laga bixiyey weerarkaasi dhanka cirka ah.

Kenya oo ka mid ah dalalka ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab ayaa inta badan howlgallo ka fuliso koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *