Taliyihii saldhigga Booliska ee degmada Qardho oo la dilay

Published: June 15, 2022

Taliyihii saldhiga degmadda Qardho, Cumar Hiirad Kaatun ayaa maanta lagu dilay isla magaalada Qardho , sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Karkaar, Cabdi Saciid Cismaan.

Dilka taliyaha ayaa waxaa ka dambeeyey kooxo hubeysan oo khamri cabtooy ah, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha, mana bixin faah faahin dheeraad ah oo ku aadan dhacdaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyey baaritaano lagu baadi goobayo ragga dilka geystay oo goobta ka baxsaday.

Magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya ciidanka amaanka & maleeshiyaad hubeysan oo ka ganacsada maan-dooriyaha.

Magaalada Qardho waxaa habeenadii u danbeeyey ka dhacaayey rasaas ay is dhaafsanayaan kuwa ka ganacsada khamrada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *