Madaxweyne Deni oo Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee Puntland

Published: June 16, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada maamulka Puntland.

Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta Gobollada iyo Degmooyinka ee Mashruuca horumarinta degmooyinka ee JPLG iyo xaaladda deegaanka.

Sidoo kale shirka waxaa looga hadlay hirgelinta madasha horumarinta Puntland (PDF) iyo saamaynta Abaartu ku yeelatay dad iyo duunyoba.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedk Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Warbixin ka dhageystay Xubnaha Golaha Wasiirada, isaga oo ugu baaqay inay dar dar geliyaan Shaqada ay u hayaan Bulshada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *