Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo xilkii iska casilay

Published: June 16, 2022

Wasiirkii Wasaaradda Dib-u-Heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Eng Cabdikariim Cali Nuur ayaa shaaciyay in uu xilkii iska casilay.

Wasiirka ayaa is casilaadiisa u sababeeyey kaddib markii Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe uu fulin waayay Heshiiskii uu Beledweyne ku galay markii la xalinaayay dadkii kasoo horjeeday Maamulkiisa.

Wasiirka ayaa qoraalka is casilaadiisa ku gudbiyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen 14Kii Bishaan, isaga oo ku sheegay waxyaabaha ugu weyn ee uu isku casilay inay kamid yihiin.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayuu u sheegay Cabdikariin Cali inuu Go’aan ku gaaray inuu shaqada isaga tago, isagoona intaas kusii daray in dadkiisa aysan heysanin matalaadii ay ku lahaayeen Maamulka Hirshabeelle ama awood qeybsigii lagu ballamay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *