Nabaddoon lagu dilay Magaalada Galkacyo

Published: June 17, 2022

Kooxo hubeysan ayaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland ku dilay mid kamid ah Nabaddoonnada ugu caansanaa Gobolka Mudug, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Alle ha u naxariistee Nabaddoonka la dilay waxaa lagu Magacaabi jirya Nabaddoon Cabdiqani Xassan Waloore.

Nabaddoonka ayaa la dilay xilli uu ka soo baxay Masjidka Macmuur ee xaafadda Garsoor oo uu ku soo tukaday Salaadda Cishaha, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Isla goobta lagu dilay Nabaddoon Cabdiqani waxaa horay loogu dilay Aabihiis Xasan Waloore, waxaana goobta gaaray qaar kamid ah ehellada Nabaddoonka, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydkiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *