Golis Telecome

Golaha Wakiilada Puntland Ajnadahooda oo looga hadlaayo qodobo xasaasi ah

Kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland oo furmey 16 Juun ayaa looga hadlaayaa qodobo gaaraya 17 qodob oo ay ka mid yihiin:

  • La-xisaabtanka xukuumadda
  • Heshiisyada Dekedda Boosaaso, Garoomada Diyaaradaha iyo Maxjarrada
  • Khilaafka Deni iyo Karaash
  • Sicir-bararka
  • Dimuqraadiyadda (Guddiga TPEC ayaa loo yeeraayaa)
  • Xaalufka Bad iyo Berri (Dhoofinta Dhirta..)
  • Xaaladda ka soo cusboonaatay Gobolka Sanaag
  • Garsoorka Puntland (Dib-u-eegis).

Qodobada heshiiska Dekadda Bosaso oo horey sababey in baarlamaanka laga saaro 8 Xildhibaan ayaan la ogeyn sida loogu guuleysan doono, dooda laga yeelaayo, marar badan ayaa qodobkaan dib loo dhigey isaga oo ku jira ajandaha golaha Wakiilada.