Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo ka bilaabanaya dalka

Published: June 18, 2022

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ayaa saaka guud ahaan dalka ka bilaabanaya, kaas oo ay qaaddo Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare JFS, ayaa horay u shaaciyay in 18-ka bishan oo maanta ku beegan ardayda Soomaaliyeed u fariiisanayaan Imtixaanka sanad dugsiyeedkaan 2021/22 jadwalka imtixaanka fasalka 12aad.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka.

Imtixaanka ayaa si rasmi ah maanta kaga bilaaban doona gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya waxay guul urajeynaysaa ardayda Soomaaliyeed ee maanta Imtixaanka galaya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *