Abu Dhabi: Sidee Loogu Soo Dhaweeyey Imaraadka Carabta Madaxweyne Xasan Sheekh?

Published: June 19, 2022
Sheikh Shakhbut bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan, Wasiirka Madaxtooyada oo soo dhaweeyey Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Abu Dhabi ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi International ku soo dhaweeyey Wasiirka Madaxtooyada Sheikh Shakhbut bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan iyo saraakiil kale, soo dhaweeynta ayaa u dhacdey si maqaamkeedu sareeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Imaaraadka carabta

Wefdiga Madaxweynaha ayaa loo qaadey halka loogu tala galay in la dejiyo, waxaana u bilowdey booqasho rasmi ah oo qaadanyesa laba maalmood.

Waa safarkii u horeeyey ee Madaxweyne Xassan Sheekh dalka dibadiisa ugu baxo tan iyo markii la doortey, taas oo muujineysa muhimadda uu siiyey Imaaraadka carabta oo Soomaaliya kala dhaxaysey xiriir soo jireen ah, laakiin uu xumaadey mudadii Madaxweyne Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *