Madaxweyne Xassan Sheekh oo Safarkiisi u horeeyey ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta

Published: June 19, 2022
Sawir hore 2013

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah safarkiisi u horreeyey kadib doorashadiisi ugu baxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), waa dalkii u horeeyey ee Madaxweynuhu booqdo tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka carabta Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka
diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Villa somalia

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta ayaa aad u xumaa mudadii uu xilka hayey Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu eedeeyey Imaaraadka in ay faraha kula jirto arrimaha Soomaaliya.

Waxaa horey loo xirey xeradii ciidanka ay ku tababari jireen, sidoo kale waxaa xirmey isbitaal Imaaraadku gacanta ku hayeen magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *