Shirka Taliyaasha Booliiska Dalalka xubnaha ka ah Interpol oo ka furmaya Addis Ababa

Published: June 19, 2022

Magaalada Addis Ababa xarunta dalka Itoobiya waxaa maanta ka furmaya Shir u dhaxeeya Taliyaasha Ciidanka Booliiska waddamada dhaca Bariga & Bartamaha Afrika ee xubnaha ka ah Booliiska Caalamiga ah ee Interpol

Soomaaliya waxaa kulankaas ku metalaya Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ku sugan Magaalada Addis Ababa.

Taliye Xijaar waxa uu warbixin guud ka bixinayaa howlaha Booliiska Soomaaliyeed uu qabtay muddooyinkii dambe.

Shirka oo ah mid sanadkiiba mar ay yeeshaan Taliyaasha Ciidamada Booliiska Waddamada Xubnaha ka ah Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa lagu lafa gurayaa xoojinta xiriirka dalalkaan iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen soo qabashada Dadka baxsadka ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *