Xil. Sacdiyo Salaad oo noqotay ku simaha madaxweynaha Soomaaliya

Published: June 19, 2022

Markii ugu horeysay taariikhda dalka Soomaaliya, waxaa ku sime madaxweyne ka noqotay qof dumar ah, kadib markii ay dalka dibadiisa safaro kala duwan u aadeen Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji ayaa noqotay ku simaha madaxweynaha Soomaaliya.

Saaka waxaa dalka ka dhoofay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna garoonka Aadan Cadde shir kula qaatay guddoomiye ku xigeenka koowaad Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji.

Madaxweynaha ayaa boqasho rasmi oo labo maalmood ah ku joogi doono Isutagga Imaaradka carabta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *