Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo

Published: June 20, 2022

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame ayaa goordhow gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa socdaalkan ku wehlinaya xubno ka tirsan Qaramada Midoobe.

Madaxdan ayaa waxaa Doolow ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka iyo kuwa degmada, iyadoo intaasi kadibna loo sii qaaday goobaha ay ku nool yiniin dadka ay abaarta saameysay, si uu xog badan uga soo uruuriyo xaalada dhabta ah oo ay ku sugan yihiin.

Doolow waxaa saldhigtay Qoysas intooda badan ka barakacay Degmooyin katirsan Gobollada Baay & Bakool ee DG Koofur Galbeed iyo Degmooyinka qaar ee isla Gobolka Gedo si ay caawinaad ugu helaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *