Gustavo Petro oo horey u ahaan jirey Hoggaamiye Jamhad ayaa ku guuleystey doorashadii Colombia

Published: June 20, 2022

Gustavo Petro oo horey u ahaan jiray hoggaamiye fallaagada garabka bidix ayaa ku guuleystey doorashadii madaxweynaha ee dalka Kolombia. “Maanta waa feestada shacabka,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter. Wuxuu sidaas ku noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee garabka bidix ee dalkaasi yeesho.

Maanta oo kale, Kolombiya way isbedelaysaa, isbeddel dhab ah ayaan u horseedaya waana mid ka mid ah yoolalkayaga: ayuu yiri Petro guushiisa kadib

Francia Márquez.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Gustavo, yeelanayo ayaa ah haweenay 40-jir Francia Márquez, taasoo noqon doonta haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee Kolombiya Madaxweyne ku-xigeen ka noqota.

Markii la tiriyay dhammaan codadka la dhiibtey wareeggii labaad ee doorashadu martey, Petro waxa uu helay 50.4 boqolkiiba codadka halka musharaxa ka soo horjeeday Rodolfo Hernández uu helay 47.3 boqolkiiba

Musharaxa kale ee laga guuleystey Rodolfo Hernández ayaa yiri “Waxaan rajeynayaa in Mr. Gustavo Petro uu yaqaanno sida loo maamulo dalka, uuna daacad u yahay hadaladiisa ka dhanka ah musuqmaasuqa, waxaana uu qirtey guul-darada.

Wareegii koowaad ee doorashada madaxtinimo ee dhacay 29-kii bishii May, midkoodna Gustavo Petro iyo Rodolfo Hernández kuma guuleysan inuu helo codad ku filan oo go’aan toos ah lagu gaari karo.

Senetarka Gustavo Petro oo 62 jir ah ayaa horey u soo noqdey duqa magaalada caasimadda ah ee Bogotá 2012-2015, waxaana uu laba jeer oo hore isku dayay inuu madaxweyne noqdo. Waxa uu ka tirsanaan jiray jabhadda M-19 oo hadda la kala diray. Hadda waa halgamaa u dooda dadka kale ee jilicsan. Wareegii koowaad ee doorashada, waxa uu helay wax ka yar 40 boqolkiiba codadka.

Musharaxa kale ee Hernández ayaa lala barbardhigay madaxweynihii Maraykanka Donald Trump, waa ganacsade aan meelna ka iman oo hadallo dhaleecayn leh ku tuuray dhammaan musharrixiinta kale ee garabka midig sidaas wuxuu ku helay 28 boqolkiiba. Ololaha doorashada Hernández ayaa si weyn uga dhacay baraha bulshada gaar ahaan Tiktok, waxaana 77-jirkan dadka qaar ay ugu yeereen boqorka Tiktok.

Horseed Media + Wakaaladaha

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *