Itoobiya: In ka badan 200 oo qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar lagu eedeeyay koox fallaago ah

Published: June 20, 2022

Goob joogayaal ku sugan dalka Itoobiya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP maalintii Axadii in ka badan 200 oo qof oo ka tirsan qowmiyadda Axmaarada lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Oromiya ee dalkaasi, waxaana ay ku eedeynayaan koox fallaago ah, taas oo beenisay.

Waa mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan dhaca iyadoo xiisadaha qowmiyadeed ay weli ka socdaan dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika.

“Waxaan ka tiriyay 230 qof oo mayd ah. Waxaan cabsi ka qabaa in tani ay tahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno waayadan,” Abdul-Seid Tahir, oo ah dadka deggan gobolka Gimbi, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press ka dib markii uu si dirqi ah uga badbaaday weerarkii Sabtidii. “Waxaan ku aasaynaa xabaalo wadareedyo, waxaana wali wadnaa aruurinta meydadka. Cutubyo ka tirsan ciidamada federaalka ayaa hadda yimid, laakiin waxaan ka cabsanaynaa in weeraradu sii socdaan haddii ay baxaan ciidanku ayuu yiri.”

Abdul-Seid Tahir goobjooge

Goob jooge kale oo magiciisa kowaad ku soo koobey Shambel, baqdin ammaankiisa ah, ayaa sheegay in bulshada deegaanka Axmaarada ay si ba’an u raadinayeen in laga raro gobolka Oromadu ku badan tahay “ka hor intaysan dhicin dil wadareed kale”. Wuxuu sheegay in qowmiyadda Axmaarada ee degtay gobolka Gimbi 30 sano ka hor barnaamijyo dib u dejin darteed loo dilaayo “sida digaagga”

Labada goob-jooge ayaa weerarradaas ku eedeeyay Ciidanka Xoraynta Oromada OLA. War qoraal ah oo ay soo saartay dawladda gobolka Oromia ayaa sidoo kale ku eedaysay OLA, iyaga oo sheegay in fallaagada ay weerareen dadka rayidka ah “ka dib markii ay u adkaysan waayeen hawlgallada ay bilaabeen ciidamada ammaanka [federalka].

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii, ayaa beeniyay eedeymaha. “Weerarka aad sheegayso waxaa geystey militariga iyo malleeshiyada maxalliga ah markii ay dib uga soo gurteen xeradii ay ku lahaayeen Gimbi ka dib weerarradii dhawaanahan ka dhacay halkaas,” ayuu ku yidhi farriin uu u diray AP.

Waxay u baxsadeen deegaan lagu magacaabo Tole, halkaas oo ay ku weerareen dadweynihii deegaanka, hantidoodiina ay ku burburiyeen, iyagoo ka aargoosanaya oo ay u arkayeen in ay taageersan yihiin OLA. Dagaalyahanadayada xitaa ma aysan gaarin goobtaas markii weeraradu dhacayeen.”

Afhayeenka OLA Odaa Tarbii

Itoobiya waxaa ka jira dhibaato baahsan oo qowmiyadeed, kuwaas oo u badan cabashooyin taariikhi ah iyo xiisado siyaasadeed. Qowmiyadda Axmaarada, oo ah qowmiyadda labaad ee ugu tirada badan Itoobiya ayaa si joogta ah loogu bartilmaameedsaday gobollada qaarkood sida Oromia.

Guddiga xuquuqul insaanka ee Itoobiya oo ay dawladu magacawday ayaa Axadii ugu baaqay dawlada federalka inay xal waara u hesho dilka dadka rayidka ah lagana ilaaliyo weerarada noocaan ah.

Horseed Media + AP

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *