Siciid Deni: “Doorashada Madaxweynaha Puntland Xiligeedi ayaan ku qaban saacad ku darsan maayo”

Published: June 20, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan is-xog-waraysi ah la qaatey Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland, kadib markii maalintii Arbacada uu furay Kalfadhigii Golaha Wakiilada.

Kulanka Xildhibaanada iyo Madaxweyne Deni waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaano ku dhaw 40, waxaana uu ahaa kulan aan waxba la isula harin oo si furan loo wdaa hadley.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dedaal badan ay ku bixiyeen arrinta federaalka qorhsuhuna ahaa in Puntland wax u soo kororto, laakiin taasi ma dhicin, oo Puntland waa ku khasaartey ayuu yiri waxba uma soo kordhin aan ka ahayn in Farmaajo meesha ka baxo, waxaana isu kaaya kaalmeystey ayuu yiri dhinacyo kala duwan, kuwaas oo saameyn ku yeeshey Xildhibaanadii Puntland ka tegay.

Mar uu a hadley doorashadii la doortey Xasan Sheekh ayuu sheegay in Xasan Sheekh aanu ahayn qofka loo filaayey doorashadan, kooxo beel ahaan u abaabulneyd ay ka shaqeeyeen, wuxuu hoosta ka xariiqey in ay wakhti siin doonaan oo eegi doonaan sida uu dalka u maamulo, Dhanka kale waxa uu sheegay in magacaabidda raysalwasaaraha aan wax talo ah laga weydiin, oo ahayd mid Madaxweynaha keligiis ku koobneyd.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in haatan uu Puntland u soo jeesan doono, arrimaha Xisbiyada dardar gelin doono, qayb ka mid ah Xildhibaanada oo arrintaas kala hadley ayaa u sheegay in dalku intaas ka badan u baahan yahay caqabado badan oo amni iyo dhaqaale ay jiraan, lana kala hormariyo muhimadda wax leh.

Mar uu Siciid Deni soo hadal qaadey hadal hayn jirtey ee ahay in aanu doorashada xiligeedi ku qabaneyn oo muddo kororsi dalban doono ayuu taas meesha ka saarey wax muddo kororsi la yiraahdo ma jirto ayuu yiri, habeen ku darsan maayo doorashada.

Khilaafka Xukuumadda ragaadiyey ee u dhexeeya isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa ayuu u sheegay Xildhibaanada in labadoodu waa Deni iyo Karaash xalisanayaan mad-madowga u dhexeeya, haddii ay ku guul-daraystaan ay u soo bandhigayaan Xildhibaanada si ay xal uga keenaan.

Xogtan ayaa Horseed Media ka soo ururisey qaar kamid ah Xildhibaanadii ka qayb-galay Qadada.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment