Bosaso: shakabad ka tirsan Al-Shabaab oo xukun dil toogasho ah lagu ku ridday

Published: June 21, 2022

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun adag ku ridday shakabad ka tirsan Al-Shabaab oo ka howlgaleysay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ragga la xukumay ayaa ah illaa afar, waxayna magacyadooda kala yihiin Jaamac Aaden Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaavi Salaad Boos, Maxamud Abshir Muuse iyo Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor oo maqane ah.

Maxkamadda ayaa shaacisay in dambiga lagu soo eedeeyey lagu helay raggan, kadibna lagu xukumay dil toogasho ah, sida uu ku dhawaaqay Dhame Cali Ibraahim Cismaan.

Sidoo kale, waxay ay maxkamaddu sheegtay in ragga la xukumay ay dilal iyo qaraxyo ka geysan jireen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Puntland ayaa horey sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ka howlgalayey magaalooyinka waa weyn maamulkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *