Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo hadda u soo jeestey wixii dayacmey!

Published: June 21, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan guud la qaatey Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Puntland.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta, ilaalinta xilyada shaqada iyo Tayeynta Shaqada Hay’addaha Dowladdu u hayaan Bulshada, Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda ee ku dhisan waxqabad ay sal u tahay Tayeyn iyo Tiigsi, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo saddex sano ah ku fooganaa dhanka Muqdisho ayaa hadda wada dardargelinta maamulka, iyada oo Puntland ay la tacaaleyso dhaqaale xumidii ugu darneyd ee abid soo marta, taas oo sababtey in lagu guuleysan waayey saddexdii bilood ee u danbeysey bixinta Musharaaadka kadib markii miisaaniyaddu is dhintey.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *