Ra’iisul wasaare Rooble oo guddoomiyey shirkii ugu dambeeyey ee golaha wasiirada

Published: June 21, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa Wadiiradda kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.

Dhowaan ayaa la filayaa in Ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre uu xilka la wareego, kaas oo marka hore la horgeyn doono xubnaha baarlamaanka, si ay u siiyaan codka kalsoonida.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *