Senatorada Aqalka Sare oo maanta kulan guud yeelanaya

Published: June 21, 2022

Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku leh kulan guud oo ku aaddan laba ajande, sida uu shaaciyay Guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xalay Senatorada la wadaagay in ajandaha kulanka maanta uu la xiriiro Dhismaha & Shaacinta Xubnaha Guddiyada Golaha iyo Ansixinta Xubnaha Guddiga Wadajirka ee Dastuurka (OC).

Kulanka ayaa sagaalka subaxnimo ee saaka ka furmi doono Xarunta Golaha Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay farriinta ogeysiiska ah ee Senatorada lala wadaagay.

Senatorada Aqalka sare ayaa Axaddii dood sharci ah ka yeeshay hannaanka Doorashada Guddiyadda iyo Guddoonkooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *