Sidee Puntland xubin uga weydey Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Aqalka Sare?

Published: June 21, 2022

Fadhigii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa maanta iska dhex-doortey shan xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga dib-u-eegista dastuurka qabyada ah, guddigan ayaa ka kooban 10 xubnood oo labada Aqal midkastaa qaato shan.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa kala ah:

  1. Sen. Cabdi Xassan Cawaale (Galmudug)
  2. Sen. Iftiin Xassan Baasto (Jubaland)
  3. Sen. Cabdullaahi Sh. Ismaaciil (Jubaland)
  4. Sen. Xassan Xusseyn Xaaji (Koonfur Galbeed)
  5. Sen. Saalax Axmed Jaamac (Somaliland).

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale 5 Xubnood ku soo daraya, iyada oo la ilaalinayo dheelitirka wax qaybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Haddaba su’aasha ayaa ah maadaama Aqalka sare ku dhisan yahay Dowlad goboleed ee aan lagu dhisin 4.5, sidee Puntland xubin uga weydey.

Si loo fahmo sababta waxaa muhim ah in dib loogu noqdo sanadkii 2017 markaas oo la dhisey guddigan oo kale.

Xildhibaanadii Aqalka sare ee baarlamaankii 10aad ayaa ku doodey in guddiga aqoon lagu xulo ee aan lagu xulan beel, marka la eego Aqalka sare waxa uu u qaybsan yahay Shan Dowlad goboleed+Somaliland, taas oo guddiga ka dhigeysa 6 Xubnood, waxaa caqabad arrintaani ku noqotey tirada guddiga oo aan laga badin karin 10 Xubnood, iyada oo 5 Xildhibaan ay ka imaanayaan Golaha Shacabka kuwaas oo wax ku qaybsada nidaamka beelaha.

Aqalka sare ee baarlamaankii 2017 ayaa iska dhex xulay 12 Xildhibaan, kuwaas oo iska dhex doortey 5 Xildhibaan waxaana ay kala ahaayeen:

  1. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid (Galmudug)
  2. Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole (Puntland)
  3. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud (Koonfur Galbeed)
  4. Senator Iftiin Xasan Baasto (Jubaland)
  5. Senator Cabdikariim Maxamed Xassan (Somaliland)

Sida muuqata guddiga waxaa lagu xulay nidaamka beelaha, iyada oo Dowlad goboleedka Hirshabelle labada jeerba ay ka maqnaayeen, oo uu ku jirey Col.Qaybdiid oo ka socdey Galmudug. Puntland waxaa uga mid ahaa Sen. Cabdiraxmaan faroole, laakiin guddiga waa uu isaga baxay kadib markii Qaybdiid uga adkaadey tartankii guddoomiyaha guddiga, waxaana booskiisi mar danbe buuxiyey Sen, Fartaag oo hadda dib u soo galay guddiga.

Maadaama Aqalka Sare ku dhisan yahay heer Dowlad goboleed, waxaa habboon in aqalka sare uu soo xulo hadda kadib 6 Xubnood oo wada metalaya dhamaan Dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Ugu danbeyn Puntland waxay xubin ku heli doontaa Golaha Shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda, laakiin xubintii Puntland heli lahayd ee Aqalka Sare waxaa ku fadhiya Sen. Fartaag, maadaama Puntland sanadka ay ku guuleysatey Shir-guddoonka Aqalka Sare oo 2017 uu fadhiyey Xildhibaan Mowliid Guhaad oo ka socdey Jubaland.

Guddiga marka la dhamaystiro ayuu iska dhex dooran doonaa Guddoomiye, ku-xigeen iyo xoghayn, waxaa la si weydiinayaa ma dhici doontaa in mar labaad loo doorto guddoomiye hoggaamiye kooxeedkii hore Col. Cabdi Xassan Cawaale.

Sidoo kale waxaa la dhisayaa Guddiga muhimka ah ee madaxa banaan ee dib u habeynta dastuurka qabyada ah, kaas oo uu madax ka ahaan jirey rabbi ha u naxariistee qoraagii caanka ahaa Maxamed Afrax.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *