Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay

Published: June 22, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Gudoomiyaha ayaa safar qaatay dhowr maalmood ugu maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugnaa Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta safaarada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uga mahadnaqay dhammaan intii soo dhoweysay waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Muqdisho dib ugu soo laabto.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *