Gudoomiye Aadan Madoobe oo sheegay in doorashada kuraastii Fahad Yaasiin & Mahad Salaad dib loogu laabanayo

Published: June 22, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay qaabka loo wajahayo kursigii uu horey ugu soo baxay Fahad Yaasiin, balse la hakiyey.

Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in kursigaan iyo midkii uu banneeyey Mahad Salaad dib loogu laaban doono doorashadooda, si loo soo buuxiyo.

“Kursiga #HOP086 doorasho kale ayaan u qabanaynaa, qofkii ku soo baxa ayaana ku fadhiisan doono” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in doorashada kuraastan ay qaban doonaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, maadaama la kala diray guddigii qabtay doorashadii dadbaneyd, kadib markii ay soo dhammeystireen doorashooyinkii ka dhacay gudaha dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *