Kenya oo kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gobolka Gedo

Published: June 22, 2022

Kenya ayaa kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gobolka Gedo oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana khasaaraha u badan la kulma shacabka.

Duqeymaha waxaa diyaaradaha Kenya ay si gaar ah ugu garaaceen deegaanada Garsaal, Wargaduudo, Busaar iyo Khadiijo Xaaji ee gobolka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ah ayaa sheegay in duqeynta ay ka dartay saacadihii ugu dambeeyey, isla-markaana ay waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah.

Deegaanada la duqeeyey ayaa waxaa ku sugan dad reer guuraa ah, sidoo kale waxaa meelaha qaar lagu arkaa dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Gedo waxaa maalmihii u dambeeyey kasoo yeerayey qaylo dhaan ay shacabka ka muujinayaan duqeymaha ay diyaaradaha Kenya ka bilaabeen deegaanada gobolkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *