Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka difaaca Puntland

Published: June 22, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta.

Kulanku intuu socday Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Gen Yaasiin Cumar Dheere Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka ee maanta Kulanka ka qeybgalay.

Saraakiisha ayaa Madaxweyne Siciid Deni la wadaagay howlgalada amni iyo qorsheyaasha ay ku horumarinayaan difaaca Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa Ciidanka Daraawiishta Puntland ku boggaadiyay sida geesinimada leh ee ay marwalbo heegan ugu yihiin difaaca Puntland, oo ay uga difaacayaan argagixisada iyo cidkasta oo amni daro ka shaqeynaysa, wuxuuna faray in ay sii laba jibaaraan gudashada waajibaadkooda. 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *