Madaxweyne Xassan Sheekh miyuu ku Xanuunsan yahay Imaaraadka Carabta?

Published: June 22, 2022

Maalintii Axadda ee 19 Juun waxaa magaalada Abu dhabi lagu soo dhaweeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas ku tegay safarkiisi u horeeyey. War qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan uu casumaad ka helay dhigiisa dalka Isutagga Imaaraadka carabta (UAE), Mohamed bin Zayed Al Nahyan, booqasho qaadanaysa muddo laba maalmood ah, taas oo ku ekeyd 21 Juun.

Haddaba tan iyo markii Madaxweyne Xasan tegey halkaas, ma dhicin kulan uu la qaatey dhigiisa casumey, warbaahinta kama soo muuqan, waxaana la dhaafey mudadii labada maalmood ahayd ee booqashadu ku ekayd.

Maxaa jira oo aan war laga hayn?

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Xaaladda Madaxweynaha, waxaana wararka qaar sheegayaan, in Madaxweynaha iyo saraakiisha la socotey ay mareen baaritaanka Korona Fayras, qaar kamid ah wefdigana laga helay cudurka Korona fayrsas oo hadda dunida ku sii yaraanaya.

Waxaa jira war kaa ka duwan oo soo gaarey Horseed Media kaas oo sheegaya in Madaxweynaha uu xanuunsadey, baaritaano u socdeen labadii maalmood ee u dannbeysey isla markaana uu kulan la qaadan doono dhigiisa UAE maanta oo Arbaca ah, dalkana ku soo laaban doono maalinta Axadda ah marka baaritaanadu u dhamadaan.

Ilaa hadda Madaxtooyada Jamhuuriyaddu kama hadlin sababta keentey in booqashada Madaxweynhu ay qaadato in ka badan intii hore, isla markaana uu dhici waayo kulankii uu la yeelan lahaa Sheekha casumey.

Maanta oo Arbaca ah ayaa lagu wadey in Madaxweynuhu uu Golaha Shacabka horgeeyo raysalwasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Aar, si codka kalsoonida loo siiyo oo uu xilka ula wareego,

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *