Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka oo deeq gargaar ah gaarsiisay Puntland

Published: June 23, 2022

Guddoomiye ku-xigeenka 1-Aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiya Yaasin Samatar ayaa Maanta gaartay Magaalada Garoowe ee caasimadda Dawlad Gobaleedka Puntland. 

Waxaa Garoonka Magalada Garoowe ku soo dhaweyey Maamulka gobalka Nugaal, Wasiir Ku Xigeenka Gargaarka Puntland, Xildhibaano Ka Tirsan Golaha shacabka BJFS iyo Masuliyiin Kale.

Gudomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha shacabka BJFS Sacdiya Yaasin Samatar ayaa Deeq Gargaar ah gaarsiisay Maamul gobaleedka Puntland si Abaarta daran ee Goboladda Puntland ka jirta gurmad loogu fidiyo.

Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Shacabka BJFS ayaa Sheegtay Inaysan ahayn deeqdii ugu dambeysay aysan aheyn balse si dadka liita loogu gurmado ay deeqdan u soo hormariyeen shacabka Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *