Howlgal lagu soo qabtay hub & raggii watay oo laga sameeyey duleedka Kismaayo

Published: June 23, 2022

Ciidamada Danab ee Xoogga dalka iyo kuwa Nabad Sugidda ee Jubbaland ayaa si wadajir ah howlgal uga sameeyey duleedka magaalada Kismaayo.

Howlgalka oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaannada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq Dabeyl iyo Barjalla.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay inay burburiyeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 4 xubnood iyo hub.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in waxyaabaha ay gacanta ku dhigeen ay ku jiraan walxo ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada, sida ay hadalka u dhigeen.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *