Nin isagoo maqan ay Maxkamadda Puntland ku xukuntay dil toogasho oo soo hadlay

Published: June 23, 2022

Cabdiraxmaan Shirwac Aw-siciid (Laahoor) oo la sheegay inuu yahay hoggaamiyaha shakabad katirsan Alshabaab oo qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ka geysan jiray Boosaaso, ayaa kasoo hadlay warbaahinta isagoo beeniyay dambiga loo haysto.

Ninkaan, oo isagoo maqan lagu riday xukun dil toogasho ah, ayaa sheegay in uusan wax lug ah ku lahayn dambiyada lagusoo eedeeyay, isagoo sheegay in 3 jeer loo xiray inuu katirsan yahay Alshabab, wuxuuna sheegay in wax dambi ah lagu waayay.

Puntland ayaa qorsheynaysay inay dhowaan faafiso sawirka ninkan, isaga oo madaxii dul dhigayo lacag abaal marin ah oo la siinayo ciddii soo sheegta xogtiisa, sida lagu sheegay barnaamijka Afmeer ee lagusoo gudbiyo xogta arrimaha Alshabaab.

Hase ahaatee, Laahoor ayaa isagu sheegay inuu ku sugan yahay tuulo la yiraahdo Jaceel oo katirsan gobolka Bari. Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu tago magaalada Bosaso, si uu uga garbaxo dambiga loo haysto ee dilka toogasho loogu xukumay.

Afar nin oo labo maalin ka hor ay Puntland xukun dil ah ku riday ayaa sheegay inuu Laahoor yahay hoggaamiyahooda bixin jiray amarada lagu fuliyo dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Bosaso.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa amartay in si degdeg ah ninkaan lagusoo qabto, si caddaalada loo horkeeno.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *