Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulamo la qaatay Madaxdii hore ee dalka

Published: June 23, 2022

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo kulamo ka wada Magaalada Muqdisho, ayaa xalay booqasho ugu tegay madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Soo dhoweyn iyo hambalyayn kadib labada Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka.

Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, Alle uga baryey inuu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Xamze ayaa isla xalay wadahadal la yeeshay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, waxayna ka wada-hadleen geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre oo uu dhawaan Ra’iisul wasaare u magacaabay madaxweyne Xasan ayaan la ansixin, waxaase lagu wadaa in maalmaha soo socda la horgeeyo baarlamaanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *