Shil sababay dhaawac & burbur hantiyeed oo ka dhacay deegaanka Alxamdulilaah ee G. Karkaar

Published: June 23, 2022

Saqdii dhexe ee xalay waxaa Shil baabuur oo halis ah uu ka dhacay deegaanka Alxamdulilaah, gobolka Karkaar ee Puntland kaas oo sababay dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Shilka ayaa yimid kadib markii gaari xamuul ah iyo mid nooca raaxada oo isku dhacay waxaa ku dhaawacmay shan qof halka ay ku baaba’een xoolo uu siday gaariga xamuulka ah.

Dadka dhaawaca uu soo gaaray ayaa qaarkood jajabay waxaana loo qaaday isbitaalka degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkan danbe ku soo badanaya laamiga xiriiriya magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *