Golaha wasiirada Jubbaland oo ansixiyey degmooyin cusub 

Published: June 23, 2022

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka golaha wasiiradda Jubbaland oo todobaadkan markiisii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Dhoobley.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiiradda iyo sidoo kale guddoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan.

Golaha ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey in magaalooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo ay si buuxda u noqdaan degmooyin ka tirsan Jubaland.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Jubaland Xuseen Xirsi Axmed ayaa golaha horkeenay wajiga labaad ee xeerka dhaqan galinta miisaaniyadda lixda bilood ee soo socota sanadkan 2022, iyadoo kharashka miisaaniyadda lixda bilood ee soo socota ay gaareyso US$ 42,322,030.94

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *