30 Carruur ah oo nafaqo darro ugu geeriyootay isbitaalka Kismaayo

Published: June 24, 2022

Ilaa 30 carruur ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay nafaqo darro ugu geeriyoodeen isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Carruurta geeriyootay ayaa waxaa inta badan laga keenay qaar ka mid ah deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka, waxana saameyn weyn ku yeeshay xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannada Jubbaland.

Madaxa qaybta Nafaqo darrada ee Isbitaalka Kismaayo Faysal Aadan Ibraahim ayaa sheegay in ku dhawaad 400 oo ruux oo ah qoysaska saameynta taban ku reebtay Abaarta lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Kismaayo kaddib xannuuno ay ka qaadeen cunno la’aanta & Biyo yarida jirta.

Sidoo kale waxa uu baaq u diray dowladda federaalka iyo hay’adaha samafalka oo uu ugu baaqay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka nololeed ee ka jira deegaanada Jubbaland.

Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xaalad bani’aadanimo tii ugu darneyd, taas oo ka dhalatay abaarta daba dheeraatay ee ka jirta dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *