Midowga Yurub oo ogolaaday murashaxnimada Ukraine inay xubin ka noqoto EU-da

Published: June 24, 2022

Dowlada Ukraine ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamtay in dalalka Midowga Yurub ay aqbaleen murashaxnimada wadankaasi oo doonaya inuu kamid noqdo EU-da, xili Ukraine ay dagaal ba’an kula jirto wadanka Ruushka.

Aqbalaada Ukraine codsigeeda ah inay u orodo kamid noqoshada Midowga Yurub ayaa ah caqabadii koowaad oo ay ka gudubtay, balse waxay qaadan kartaa sanado badan in ay si rasmi ah ugu biirto Midowga Yurub.

Waxa hada laga doonayaa Ukraine in sharuucdeeda ay waafajiso sharuucda Midowga Yurub, taasi oo muddo dheer qaadata, tusaale dalka Poland ayey ku qaadatay muddo 10 sano ah inuu buuxiyo sharuudaha EU-da, Ukraine ayey usii dheertahay inay xiligan ku jirto dagaal adag.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo go’aankan soo dhaweeyey ayaa sheegay in Ukraine wax weyn kusoo kordhin karto difaaca dalalka Yurub.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *