Puntland: Ciidanka PSF oo soo qabtey xubno sare oo ka tirsan Daacish oo u dhashey dalka Itoobiya

Published: June 24, 2022

Ciidamada Amniga ee Puntland (PSF ee sida gaarka ah u tababaran ayaa soo qabtey 7 sarkaal oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish ee ku dhuumaaleysta buuraha Cal Miskood ee gobolka Bari

PSF ayaa heshey xog ku saabsan in Daacish ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan dhulka xeebaha ku yaala ilaa Xaafuun. Mudadadii hawlgalku socdey ayaa PSF soo qabatey afar kamid ah kooxda Daacish, waxaana lagu qabtey inta u dhaxaysa Tuulooyinka Timirshe iyo Tuulo Ciise

Sidoo kale saddex kamid ah Daacish ayaa lagu qabtey toga Maroodi-magale oo wax yar u jira Timirshe, raggan ayaa dhamaantood u dhashey qawmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana ay shixnado u qaadi lahaayeen buuraleyda Cal Miskood ee kooxdu ku gabbato.

Qawmiyadda Oromada ayaa muddooyinkii danbe si weyn uga mid noqonaayey Daacishta ku dhuumaaleysata buuraleyda gobolka Bari, kadib markii ay hoggaanka ururkaas la wareegeen.

Magacyada xubnaha la qabtey ayaa kala ah:

  1. Kabana Nagsa Bulja
  2. Abdalle Tadhase Gafaso
  3. Qasim Suleyman Jibril
  4. Yusuf Tuna Dubey
  5. Yasin Abdow Awal
  6. Anwar Fathi Abagatow
  7. Isaq Kamal Qasim

Ciidanka PSF ayaa gaarey togga Jaceel ilaa degmada Xaafuun, waxaana hawlagalku ahaa mid lagu baacsanaayey kooxda Daacish ee buuraleyda gobolka bari ku sugan.

Ciidanka PSF ee ay tabareen dowladda Maraykanka ayaa ah kuwo har ayo habeen u taagan ka hortaga waxyeelada cadowgu wadaan, waxaana ay khibrad dheer u lee yihiin la dagaalanka argagaxisada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. pSF waa midee waa in aad cadaysaan waxaa Ku darteen dhowaan la wareegeen iyo Maraykanki Tabaray Marka Qoraalkiina Cadeeya