Taliye cusub oo loo magacaabay Sirdoonka Militariga IRAN xili ay xiisadi kala dhaxeyso Israel

Published: June 24, 2022

Dowlada Iran ayaa khamiistii shalay shaacisay in Taliye cusub loo magacaabay Sirdoonka Militariga gaar ahaan kuwa loo yaqaan Jamhuuriga (IRGC) ee lagu tiriyo ciidamada ugu awooda badan dalkaasi.

Wax faah faahin ah lagama bixin magacaabista Taliyaha cusub oo lagu magacaabo Mohammad Kazemi oo horey uga soo tirsanaa hay’adaasi, halka Taliyihii hore Hossein Tayib loo magacaabay lataliyaha hogaanka ciidamada Jamhuuriga.

Xiisada u dhaxeysa Iran iyo Israel ayaa sanadihii lasoo dhaafay sare usii kaceysay taasi oo marar badan saameysay isbedalada lagu sameeyo sirdoonka labada dhinac.

Todobaadkii hore ayey warbaahinta Israel shaacisay warbixin sheegaysa in Taliyaha xilka laga bedalay Hossein Tayib uu waday qorshe uu ku khaarajinayo dad u dhashay Israel oo ku sugan wadanka Turkiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *