Amiirka Dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani oo Booqasho ku tegay dalka Masar

Published: June 25, 2022

Amiirka Qatar ayaa magaalada Qaahira si uu wadahadal ula yeesho madaxweynaha Masar, booqashadiisii ​​ugu horreysay ee dalkaas ka dib sanadihii u danbeeyey ee xiriirka labada dal aad u xumaa.

Calamada Qatar iyo Masar ayaa ka dul babanayeen laamiga goor dambe ee maalintii Jimce ah, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweyne Cabdel Fattah Al-Sisi, taas oo ah maamuuska kaliya ee la siiyo hogaamiyayaasha miisaanka culus.

Labada nin ayaa la filayaa inay maanta oo Sabti ah ka wadahadlaan arrimo muhiim ah oo gobolka ah ka hor safarka la filayo ee Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu ku tagi doono Bariga Dhexe bisha soo socota iyo inay ka wada hadlaan sidii loo sii wanaajin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee labada dhinac, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee dalka Masar.

Booqashada Sheikh Tamim ayaa timid wax ka yar labo bilood ka dib markii ay dowladiisa ku dhawaaqday inay 5 bilyan oo dollar ku maalgelin doonto Masar, taasoo muhim u ah dhaqaalaha dalka, ee dhaawacu ka soo gaarey duulaankii Ruushka ee Ukraine. Ku dhawaaqista ayaa timid mar uu bishii Maarso booqasho ku tagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammad bin Abdulrahman.

Xiriirka Masar iyo Qatar ayaa xumaaday 2013, markii militariga Masar ay xukunka ka tuureen madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Maxamed Mursi.

Sanadkii 2017, Masar waxay ku qayb ka noqotey dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn iyagoo xanibaad ku soo rogey Qatar si ay ugu khasbaan Doxa inay beddesho siyaasaddeeda.

Khilaafka ayaa ugu dambeyntii soo afjaray 2021-kii, markaasoo Qatar ay saxiixday bayaan ay ku caddeeyeen afartan dal si loo hagaajiyo xiriirkooda. Wixii markaas ka dambeeyay, xiriirku wuu soo hagaagayay, madaxda sarena waxay is dhaafsadeen booqashooyin.

Al-Sisi waxa uu horay ula kulmay Sheikh Tamim bishii Nofembar shir doceed kale markii uu socdey shirkii iliga qaboobahaisbeddelka cimilada ee Glasgow, iyo ugu dambayn bishii Febraayo, oo labada hoggaamiye ka qaybgaleen furitaanka ciyaaraha Olombikada qaboobaha ee ka dhacay Bakiin.

Khalid Yussuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *