Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay in Xasan Sheekh uu booqday Israel

Published: June 25, 2022

Shir Jaraa’id oo magaalada Muqdisho ku qabtay shalay Afhyeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabadikariin Cali kaar ayaa warbaahintu ku waydiisay waxa ka jira in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Israel safar ku tagay.

Afhyeenka ayaa arrintaas gabi ahaanba beeniyay, wuxuuna sheegay in madaxweynuhu aanu tagin Israel, maadama Soomaaliya iyo Israel ka dhaxeynin xiriir diblomaasiyadeed.

Saddex ka mid ah waddamada ku bahoobay Ururka dalalka Carbeed – oo kala ah Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco – ayaa xiriir la sameystay Israa’iil sanadkii 2020-kii, horayna wax xiriir ah uma aysan lahayn. Wasiirradooda Arrimaha Dibadda ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan horumarinta xiriirkooda saaxiibtinnimo.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray warar la isla dhex marayay oo sheegayay in Madaxwweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta uu safar qarsoodi ah ku tagay Israel.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *