Maraykanka oo Taliban ku wareejiyey maxbuus ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay

Published: June 25, 2022

Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.

Ururka Taliban ayaa sheegay in sii deynta Asadullah Haroon, inay ka dhalatay xidhiidh toos ah oo ay arrintan ka yeesheen Maraykanka iyo ururka Taliban. Maxbuuskan la sii daayey oo haatan ay da’diisu tahay 29 jir ayaa lagu wareejiyey saraakiisha Taliban ee ku sugan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, halkaas oo ururka Taliban ay ku leeyihiin xafiis diblomaasiyadeed.

Suhail Shaheen oo ah madaxa xafiiska ururka Taliban ee Doha ayaa VOA u sheegay inay tallaabadan soo dhoweynayaan, isagoo ugu baaqay dawladda Maraykanku inay sii dayso maxbuuska kale ee ku hadhay xabsigaas.

Muhammad Rahim oo ah maxbuuska u dhashay Afghanistan ee xabsigaas ku hadhay ayaa lagu eedeeyey inuu xidhiidh aad u dhow la lahaa hoggaamiyihii ururka al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in sii deynta Haroon ay daba socotay go’aan ka soo baxay maxkamadda Mareykanka oo ahaa in Pentagon-ka uusan hadda lahayn awood sharci ah oo ay ku sii hayn karto. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib u eegis lagu sameeyey kiiska Haaroon inay ka soo baxday inuu u qalmo in laga wareejiyo xabsigaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *