Xamse Cabdi Barre oo maanta codka kalsoonida weydiisanaya Golaha Shacabka

Published: June 25, 2022

Ra’iisal Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in maanta uu hortaggo Xildhibaanada Baarlamaanka, si codka kalsoonida loogu qaado.

Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyay in sagaalka subaxnimo ay soo xaadiraan kulanka, oo ka dhici doono Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisal Wasaare Xamse u magacaabay inuu noqdo Wasiirka 1aad ee Golaha Fulinta, ka dib markii uu u arkay inuu yahay shakhsiga ku haboon jegadaasi.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegaa inay isu aragti ka yihiin arrimaha siyaasadda dalka, sidoo kalena ay isku xisbi yihiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *