Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo u yeeray Wasiirka maaliyadda Soomaaliya

Published: June 25, 2022

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa looga yeeray xeer ilaalinta qaranka, gaar ahaan qeybta qaabilsan dambiyada lidka ku ah maaliyadda iyo dhaqaalaha.

Qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha, Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa waxaa wasiirka lagu faray inuu xarunta yimaado ugu dambeyn maalinta Isniinta ee soo socota.

“Wasiirka waxaa la farayaa in uu waqtiga ilaaliyo, kuna yimaado ballanta loo qabtay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Warqada u yeerista Wasiir Bayle ayaa sidoo kale waxa la ogeysiiyay Guddiga KMG ah Maaliyadda ee labada Aqal BFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *