Xildhibaanada Golaha Shacabka oo codka kalsoonida siiyey Rayslawasaare Xamse Cabdi Aar

Published: June 25, 2022

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta hor tegey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuryadda, waxaana uu ka horjeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo la xiriirta barnaamijkiisa siyaasadeed iyo taariikhdiisa nololeed.

Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ee igu aaminey xilkan in aan ugu adeego dadkayga iyo dalkayga, waxaan ogahay in ay tahay masuuliyadan mid culus una baahan, karti, daacadnimo iyo aqoon, iyada oo xiligan dalkeena ay ku habsatey abaaro ba’an iyo colaado. ayuu yiri Xamse Cabdi

Khudbadda raysalwasaare Xamse oo koobneyd kadib waxa uu Xildhibaanada weydiistey in ay siiyaan codka kalsoonida si uu golihiisi wasiirada u soo dhiso.

Fadhiga Golaha Shacabka waxaa joogey 220 Mudane, kuwaas oo dhamaantood codka kalsoonida siiyey, ma jirin hal Xildhibaan oo ka aamusey ama diidey.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa goobta ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in uu xilka kala wareego Raysalwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, kadibna uu soo dhiso Golaha Wasiirada.

Wasaaradaha ayaa hadda gaaraya 26 Wasaaradood, waxaana dhici karta in dib loogu soo celiyo 18 wasaaradood iyo mid cusub lagu soo daray taas oo loogu walqali doono Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, sida Horseed xog ku heshay.

Dhimsaha Golaha Wasiirada ayaa wararka qaar sheegayaan intooda badan in ay dhisan yihiin, waxaana ay ku soo beegmaysa iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh laga helay caabuqa Covid-19.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *