Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo nasiib darro ku tilmaamay inay maqan yihiin gobollada waqooyi

Published: June 26, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka wakiil ah Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabada xuska 26‐ ka Juun, oo ku beegan 62-sanno guuradii ka soo wareegatay xiligii gobolada waqooyi ee dalkeenna ay xurnimadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo  Khudbad dhan walba taabaneysa ka jeediyey munaasabada ayaa waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in 62-sano ka dib aan walaalaheenna Gobolada waqooyi ay ka maqan yihiin dalka intiisa kale. waxaana uu khudbadiisa ku  yiri sidatan.

“Farxad weyn ayeey ii tahay inaan caawa Ka qeyb galo munaasabadda loogu dabaaldagayey 62 sano guurada ka soo wareegtay xornimadii Gobollada Woqooyi ee 26-ka Juun, 62-sano ka hor 26-ka Juun1960 waxay shacbiga Soomaaliyeed u aheyd maalin weyn, maalin xorriyadeed, maalin farxadeed, maalintii ugu horreysay ee madaxbannaani helaan gobollada Waqooyi ee dalkeenna, isla markaana Calanka buluugga ah laga taagay gayiga dalkeena.

Sidaa darteed waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, waa maalin nooga baahan in aan dib u milicsanno halgankii adkaa ee naf iyo maal lahaa ee lagu bixiyay xorriyadda aan maanta heysanno.

Munaasabaddan qiimaha weyn darteed waa in aan dib u eegno wixii naga xumaaday, gacmahana aan isugu qabsanno oo aan waqti ku bixinno sidii walaalaha Waqooyi dib loogu qancin lahaa Soomaaliweyn, Midnimo iyo Walaalnimo, taas oo fure u noqon karta dowladnimo Soomaaliyeed oo sinnan, wadajir iyo  caddaalad ku dhisan” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda oo geba-gada munaasabada ka sheegay in maanta loo baahanyahay midnimo aan markale dib ugu midoobi karno, taas oo ka dhigan Jamhuuriyad ku dhisan is jeceyl iyo walalnimo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *