Hoggaamiyaasha G7 oo isugu yimid shir madaxeed ka dhacaya Jarmalka

Published: June 26, 2022

Mustashaarka Jarmalka Olaf Scholz ayaa soo dhaweeyay hogaamiyaasha kooxda todobada dal ee hodanka ah Axadda maanta ah shir madaxeed soconaya seddex maalmood oo ka lagu qabanaayo Bavarian Alps waxaa shirkan si weyn looga hadlaayaa dagaalka Ukraine iyo cawaaqibkiisa fog, isbeddelka cimlada iyo cunno yarida dunida soo wajahaysa.

Qiimaha tamarta iyo cunnada adduunka ayaa kor u sii kacaya, taas oo waxyeelo gaarsiisey kobaca dhaqaalaha ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine. Qaramada Midoobay ayaa maalintii Jimcada ka digtay “dhibaato ka dhalata gaajo adduunka oo dhan saameysa oo aan horay loo arag”. Isbeddelka cimilada, Shiinaha oo sii xoogaysanaya iyo kor u kaca kalitalisnimada ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka mid noqdaan ajandaha.

Hogaamiyayaasha G7 ayaa la filayaa inay raadiyaan oo muujiyaan mowqif midaysan oo ku saabsan taageeridda Ukraine inta loo baahan yahay iyo inay cadaadis saaraan Ruushka in kasta oo ay doonayaan inay ka fogaadaan cunaqabatayn keeni karta sicir-bararka oo ay uga sii dari karto dhibaatada-nololeed ee saameeysa dad gaar ah.

“Fariinta ugu weyn ee G7 waxay noqon doontaa midnimo iyo iskudubarid waxqabad… Taasi waa fariinta ugu weyn, waxaan ku adkeysaneynaa isbahaysigeena,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Midowga Yurub. Wada-hawlgalayaasha G7 ayaa lagu wadaa in ay ku heshiiyaan in la mamnuuco dahabka laga keeno Ruushka, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Shirku wuxuu ka dhacayaa qalcadda Schloss Elmau oo ku taal hoosta buurta ugu dheer dalka Jarmalka, ee Zugspitze – isla goobtii uu waddanku martigeliyay shirkii sannadlaha ah ee G7 ee 2015 lagu qabtey.

G7 ayaa hadda ka kooban Mareykanka, Kanada, Jaban, Jarmalka, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga, waxaana Ruushka laga saarey sanadkii 2014 kadib markii uu qabsadey gobolka Kirimiya ee kamid ahaa Yukrayn,

Khalid Yussuf – Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *