Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay khilaafka Xukuumaddiisa & Xisbiyada Mucaaradka

Published: June 26, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Hargeysa oo lagu maamuusayay 62 sano guurada kasoo wareegtay markii gobollada waqooyi madaxbannaani ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa ku dheeraaday xaaladda Somaliland.

Waxa uu sheegay in xaalad doorasho ay gashay Somaliland sidaas awgeed Axsaabta mucaaradka looga baahan yahay in aysan marnaba xirin albaabka wadahadalka si looga xaliyo tabashooyinka ay qabaan.

Muuse Biixi waxa uu bogaadiyay dedaallada lagu dhexdhexaadinayo Xukuumaddiisa iyo Labada Xisbi Mucaarad ee Waddani & UCID si ay wada-xaajood ugu dhammeeyaan khilaafaadka siyaasadeed iyo tabashooyinka ay qabaan mucaaradka.

Madaxweyne Biixi ayaa bogaadiyay dedaallada ay wadaan dhinacyada is xilqaamay ee madax-dhaqameedka, culimada & aqoonyahannada ka kooban balse waxa uu qiil ka dhigtay in marweliba wadahadalka dhankooda uu diyaar ka yahay.

Waxa uu tilmaamay in Soomaalida caado iyo dhaqan ka dhigatay in la dhex dhexaadiyo marka ay wax isku qabtaan ama ay wax kala tirsanayaan, si taas loo baddelayo ayuu sheegay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay u yeerista dhinacyada wax tirsanaya.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku eedeeyay in uu ka shaqeynayo dib u dhigista Doorashada 13ka November 2022 balse Xukuumadda ayaa beenisay oo waxa ay sheegtay in doorashadu ku dhaceyso waqtigeeda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *