Madaxweyne Xasan oo diray hambalyo ku aadan munaasabadda 26-ka June

Published: June 26, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo war kasoo saaray munaasabadda 26-ka June ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo farriin u diray shacabka ayaa ku booriyey in loo istaago u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee haatan ka jira dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu ku baaqay in la ilaaliyo midnimada iyo xasilloonida guud ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay haysato fursad taariikhi ah oo ay ku sixi karto khaladaadkiii ka dhacay.

“Xuska sannad guurada 62-aad ee maalinta xoriyadda 26ka Juun, waa fursad aynu ku sixi karno wixii naga qaldamay muddadaas, sidoo kale aan ku xoojin karno dhaqamada wanaagsan ee ay ka siman yihiin dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan is-caawinta, isu qalbi furnaanta iyo adkeynta midnimadooda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *