Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya oo ka warbixiyey xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha JFS

Published: June 27, 2022

Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo goor dhaweyd qabtay Shir jaraa’id ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, toddobaadka xorriyadda iyo halka uu marayo gurmadka gargaarka loogu fidinayo shacbiga Soomaaliyeed abaaruhu saameeyeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu tahay mid aad u fiican oo aan wax dhibaato ah aanu dareemaynin balse keliya laga helay caabuqa Covid-19,iyadoo isla beri madaxweynuhu mari doono baaritaan caafimaad.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa waxaa uu intaa ku daray in dowladdu wax ka bedeshay habkii loo xusi jiray munaasabadaha toddobaadka Xoriyadda oo hore loo qaban jiray Xafladdo waaweyn.

Afhayeenka ayaa sheegay in sanadka loo bedelay in loo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen iyadoo la fulinayo amarka madaxweynaha JFS.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *