Laamaha Amniga oo jawaab u waayey cidda iska lahayd amarkii Bosaso lagu weeraray!

Published: June 27, 2022

Fadhigii maanta oo Isniin ah oo ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa loogu yeeray masuuliyiinta laamaha amniga ee Puntland, halkaas oo muddo dheer su’aalo dab ka kulul lagu karkarinaayey.

Fadhiga waxaa ka soo qayb-galay Xildhibaano gaaraya 47 Xildhibaan, waxaana ay ku kala qaybsameen sida saxaafadda madaxa banaan laga yeelayo, kadib markii Wasiirka Amnigu codsadey in dibadda loo saaro, waxaana la geliyey codeyn 22 Xildhibaan ayaa u codeeyey in saxaafadda banaanka loo saaro 17 waxay u codeeyeen in kulanku noqdo mid daah furan waxaana ka aamusay 8 Xildhibaan, sidaas ayaana kulanku u noqdey mid saxaafadda banaanka loo saaro.

Horseed Media oo isku duba-ridey xogo kala duwan oo ay ka heshey Xildhibaanada ayaa loo sheegay in fadhigu ahaa mid kulul, su’aalo adagna lagu weydiiyey masuuliyiintii hor yimid.

Waxaa fadhiga hor yimid:

  1. Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan
  2. Taliyaha ciidanka daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere
  3. Taliyaha ciidanka Booliska Maxamed Cali Xaashi
  4. Agaasimaha Sirdoonka Maxamed Casayr
  5. iyo masuuliyiin kale

Su’aalaha la weydiiyey waxaa kamid ahaa:

  • Dagaalkii Bosaso iyo in ciidamadii Puntland oo dhan Bosaso loo dumo
  • Shaqada ay kala qabtaan ciidamada wada sirdoonka loo bixiyey ee qaar kood hubeysan yihiin.
  • Weerarkii al-Shabaab ee Xabiga Bosaso
  • Weerarkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Gaalkacyo
  • Ajaanibta u soo dagaal doonatey Puntland
  • Doonta hubka sidey ee Bayla ku soo caaridey
  • Amniga guud ee dalka iyo xuduudaha
  • iyo su’aalo kale oo badan

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha daraawiishta ayaa midkoodna caddeyn waayey cidda iska lahayd amarka Bosaso lagu weeraray ciidankii PSF, sidoo kale waxay ka jawaabi waayeen waxa keenay in ciidamadii furimaha ku jirey oo dhan laga soo saaro si loo weeraro xerada PSF ee Bosaso taas oo ay ka dhalatey dhibaato baaxad leh.

Shaqaaqada ka dhacdey Gaalkacyo ayey meel saari waayeen, waxayna ku tilmaameen nasiib darro in ay ahayd.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah Xildhibaanadu Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa marar kala duwan ku doodey in awooda amnigu qaybsan tahay oo ay dalkaan ka dhacaan waxyaabo aanu warba u hayn.

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Maxamed Casayr ayaa sheegay in weerarkii al-Shabaab ee xabsiga Bosaso ay xogtiisa heleen isla markaana la wadaageen Wasiirka Amniga, taas oo Cabdisamad Gallan aanu diidin laakiin dayac dhacay.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii kulanka ka qaybgalay ayaa sheegay in masuuliyiinta amnigu aysan si daacad ah uga jawaabeyn su’aalaha, dhibaatada uguweyn ee haysatana ay ahayd shaqada ay ahayaan oo aysan wax war ahba u hayn, isla markaana aysan caddeyn karin waxa dalka ka dhacaya.

Maalinta berri ah ayaa mar kale Xildhibaanadu isugu imaanayaan kulan si ay go’aan uga qaataan doodii maanta oo ahayd mid aad u adag oo gaartey ilaa Salaadii casar.

Ajandaha kalfadhiga waxa kamid ah la xisaabtanka xukuumadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *