Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Dhoobley

Published: June 27, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Degmada Dhoobley.

Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka Dhoobley ayaa iska xog waraystay xaalada guud ee Degmada iyo deegaanada ku xeeran.

Odayaasha dhaqanka ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha dadaalada uu ku bixinayo daadajinta maamulka iyo adeegyada bulshada ee Degmada Dhoobley.

Madaxweynaha Jubaland ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley sii wadi doona kulamada uu la yeelanayo qaybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Dhoobley.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *