Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay ururada haweenka & dhalinyarada ee Degmada Dhoobley

Published: June 27, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta la kulmay ururka haweenka ee Degmada Dhoobley.

Haweenka Degmada Dhoobley oo dadaalo badan ku bixiya dib usoo celinta bilicda magaalada laf-dhabarna u ah bulshada ayaa Madaxweynaha Jubaland waxa ay oga warbixiyeen howlaha ay ka qabtaan Degmada, baahiyaha ka jira iyo hormarada ay hiigsanayaan mustaqbalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Degmada ay hada kadib heli doonto adeegyada muhiimka ah ee lagu hormarinayo bulshada qeybaheeda kala duwan gaar ahaan haweenka, Caruurta iyo dhalinyarada.

Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa la kulmay ururka dhalinyarada ee Degmada Dhoobley.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dhageystay talooyinka dhalinyarada ay soo jeedinayeen ee la xiriira wax ka qabashada adeegyada bulshada oo ay ugu horeeyaan Caafimadka, Ciyaaraha, Farsamada gacanta iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Degmada Dhoobley.

Madaxweynaha Jubaland ayaa u sheegay dhalinyarada in Dowladda ay waqti badan ku bixineyso sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada, qayb weyna ay uga noqon lahaayeen xafiisyada maamul ee Dowladda.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii kula dardaarmay dhalinyarada in ay dedaal badan ku bixiyaan sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen bulshadooda, sidoo kalena ay qayb weyn ka qaataan horumarka deegaanka ka socda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *