Madaxweyne Xasan oo hambalyo u direy Jabuuti sanad-guurada 45-aad ee xornimadooda

Published: June 27, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey  dowladda iyo  shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

“Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo dowladdoodaba nabad waarta iyo horumar joogto ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *